Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Xubno Katirsan Isbaheysiga Qeybta Asmara oo Yemen Gaarey
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:236
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:108
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:95
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:422
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 05 2008
Xubno Katirsan Isbaheysiga Qeybta Asmara oo Yemen Gaarey
Written by Ali Moallim   
Saturday, 05 July 2008

Astaanta Isbaheysiga dib uxureyntaYemen, (insidesomalia.org)-Xubnaha Isbeheeysiga dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya qeeybtooda Asmara u matalaya wadahadalada dalka Yemen ayaa waxaa ay maanta gaareen magaalada Sanca ee dalkaasi Yemen.

Xubnahani oo ka koobnaa illaa 6 Xubnood oo uu hor kacayay Dr Cumar Immaam Abuu Bakar oo ka mid ah Isbeheeysiga dib u xoreynta Dalka Soomaaliya ee sida xoogan uga soo hor jeeda qodobadii lagu gaaray Dalka Jabuuti ayaa barqanimadii maanta gaaray Magaalada Sanca ee Wadanka Yemen.

Xubnahani ayaa waxaa ay ka qeyb galayaan kulan la doonayo in ay isugu yimaaadaan Xubnaha Isbeheeysiga dib u xoreeynta oo ka kala yimid dhinacyo kala duwan, kaasi oo la doonayo in lagu soo afmeero qilaafkii ka dhashay qodobadii heshiiskii Dalka Jabuuti lagu gaaray.

Sheikh Cabdiraxmaan Max’uud Faarax Jiniqoow oo ka tirsan Isbeheeysiga dib u xoreeynta ayaa waxaa uu Saxaafada u sheegay in shirkaasi uu dhawaan furmayo, islamarkaasna ay Xubnaha Isbeheeysiga isku hor fariisan doonaan, iyadoo aaneey cidi dhex dhexaadineeyn si loo soo afmeero qilaafaadka hareeyay Isbaheysiga.

Horay waxaa Magaalada Asmar ugu sugnaa Xubno ka kala socday dhinacayo kala duwan oo ay ku jireen Xubaha Isbeheeysiga ee Qurba joogta ahaa ee markii hore dibada ka yimid iyo xubno ka socday Isbeheeysiga ee ka qeyb galay shirka Jabuuti ee taageersanaa fikirkii shirkaasi iyo sidoo kale Xubno ka socday hogaanka gudaha ee Isbeheeysigaasi si ay isugukeenaan Madaxda iskhilaafsan, isla markaana loo dhameeyo qilaafaadka soo kala dhex galay Isbeheeysigaasi.

Ma cada waxa rasmi ahaan looga wada hadli doono shirakasi waxaana illo lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in marka hore warbixino laga dhageysan doono Masuuliyiinta Isbeheysiga dib u xoreeynta Dalka ee ka qeyb galay shirkii Jabuuti, kuwaasi oo si gaar ah looga dhageeysan doono qodobadii heshiiskasi ee muranka badan dhaliyay gaar ahaan qodobka la xiriira ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya  iyo canbaareeynta waxyaalaha ka dhacaya gudaha Dalka Soomaaliya oo heshiiskaasi lagu gaaray.

Sidoo kale waxaa dalka Yemen ku sugan aqoonyahano Soomaali ah iyo ganacasato kuwaasi oo doonaya in ay gacan ka geeystaan sidii loo soo afmeeri lahaa qilaafka soo kala dhex galay Isbeheeysigaasi.

Arintani ayaa waxaa ay ku soo beegmeeyasaa xili dad badani ay shaki ka muujiyeen sida uu ku meel mari karo qodobadii lagu gaaray heshiiskii dalka Jabuuti kaasi oo dhaliyay qilaaf xoogan oo soo kala dhex galay xubnaha isbeheeysiga.

Xubno ku sugan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa sheegaya in shirkaasi waxa looga hadli doono ay uga horeeyso sidii xubaha isbeheesiga ee ka qeeyb galay shirkaasi ee saxiixay qodobadii lagu gaaray loogala hadli lahaa sidii ay u qaadic lahaayeen heshiiskii ay saxiixeen,balase xubnaha Isbeheeysiga ee ku sugan dalka Jabuuti ayaa sheegay in la doonayo in fasiraad dheeri ah laga bixiyo wax lagu heshiiyay laakiin aysan jirin wax laga noqonayo.

Sidoo kale waxaa ku jira arintani culumaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo loo xil saaray in go’aan kama danbeeys ah ay ka gaaraan dhicayada Isbeheeysiga hadii ay ku guuldareeystaan in ay xaaliyaan qilaafka salka ku haya in dadka dagaalamaya ee ku sugan gudaha Dalka laga bari yeelo dhinacyada siyaasda waa hadii ay ku guuldareeystaan.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >